Shirkii Lasugayay Ee Beesha Dhulbahante Oo Saaka Ka Furmaya Laascaanood…
AGAASIMAHA XAFIISKA MANAAHIJTA SOMALILAND OO XAFIISKIISA KULA KULMAY LATALIYAASHA DIB U EEGISTA MANHAJKA .
sawirro Agaasimaha Xafiiska Manaahijta W.W&S Maxamed Cali Cumar ayaa xafiiskiisa kula kulmay lataliyeyaasha ka shaqaynaya dib-u-eegista manhajka.
Kulankan ayaa ahaa mid layska xog waraysanaayay waxyaabihii u qabsoomay xafiiska mudadii ay socotay dib-u-eegista manhajku waxaana halkaasi warbixin dheer kasoo jeediyay agaasimaha xafiiska manaahijta isagoo ku dheeraaday habka la doonayo in loo sameeyo dib-u-eegista manhajka iyo sidii loogu tababari lahaa macalimiinta ka shaqaynaysa, islamarkaana loo diyaarin lahaa qalabka ay ku shaqaynayaan macalimiintu.
Sidoo kale Agaasimaha ayaa si qoto dheer uga hadlay ahdaafta laga leeyahay manhajka iyadoo laga duulaayo siyaasada Wasaaradda Waxbarashada ee ku aadan tayaynta manhajka qaranka, si loo helo manhaj inoo soo saara muwaadinka aynu u baahnahay.