GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.
AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADA SPORTISKA DFS OO LA KULMAY SAFIIRKA SAFAARADA NETHERLANDS.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye ayaa la kulmay Wafdi ay hogaamineysay Ku xigeenka Safiirka Safaaradda Boqortooyada Netherlands ee dalkeenna Ms. Laurie Visser oo ay weheliyaan Sarkaalka arrimaha siyaasadda iyo Shaqo Abuurka u qaabilsan qeybta Soomaaliya .
Agaasimaha guud oo u weheliyo La-taliyaha Siyaasadda iyo Qorsheynta iyo Wafdiga ka socday Boqortooyada Netherlands ayaa kulanka ku lafo guray sidii Wasaaradda Dhalinyarada Iyo Cayaaraha iyo Boqortooyada Netherlands wada shaqeyn dhow ee arimaha dhalinyarada u yeelan lahaayeen.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye ayaa muujiyay Muhiimadda kawada shaqeynta arrimaha horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed iyo in laga miro dhaliyo yoolka Wasaaradda ee sare u qaadidda xirfadaha dhalinyarada Soomaaliyeed si loo kordhiyo shaqo abuurka oo kaalinta koobaad kaga jira waxyaabaha hor-tebinta u leh wasaaradda iyo guud ahaan hay’adaha dowladda Soomaaliyeed.
Labada dhinac ayaa ku balamay in la sii wado kulamada noocan ah si looga tashado qaababka ugu fiican ee fursado loogu abuuri karo dhalinyarada Soomaaliyeed