Rasomit Rasomit

Breaking News

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.

BULSHADA KU DHAQAN MAGAALADDA BALADWEYNE WAXAAN KU WARGILINEEYNAA IN AY ISKA ILAALIYAAN ISTICMAALKA CABITAANKA ISQASKA LOO YAQAANO

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO MAANTA FURAY KULAN HAWLEEDKII 2022

XARUN CAAFIMAAD OO CUSUB OO LAGA FURAY MAGAALADDA QARDHO

  1. Home
  2. Wararka
  3. AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADA QORSHEYNTA OO LA GUDOONSIYAY ABAAL MARINTA SOMALIA LEADERSHIP AWARDS
 AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADA QORSHEYNTA  OO LA GUDOONSIYAY ABAAL MARINTA SOMALIA LEADERSHIP AWARDS
Wararka

AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADA QORSHEYNTA OO LA GUDOONSIYAY ABAAL MARINTA SOMALIA LEADERSHIP AWARDS

by Fitaah Diinle January 1, 2023 15 0 Comment

AA

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, ahna Gudoomiyaha Goalaha Sarre ee Hayโ€™adda Istatistikadda Qaranka Asad Yusuf Qanyare ayaa caawa la guddoonsiiyay abaalmarinta Somaali Leadership Awards oo la siiyo dadka ku suntan hoggaaminta wanaagsan ee hannaan toosan u guta howlaha loo igmaday. Inka badan 15 kun oo ruux ayaa bogga Somaali Leadership Awards ugu soo codeeysay Agaasimaha guud ee Waaaaradda Qorsheynta oo caawa lagu abaalmariyay howlihii adkaa ee uu ka qabtay Wasaaradda, iyo shaqooyinka uu qaranka u hayay.

Agaasime Asad ayaa abaalmarinta caawa ku mutaystay hannaanka Maamul Wanaagga ee uu sameeyay (Good governance Awards) iyo sida uu u kala mareeyay shaqooyinkii uu soo qabtay oo ay ka mid yihiin, fulinta mashaariic dhaxal-gal u ahaa horumarinta Dalka,

Sida:- Mashruucii kasoo kabashada Xasaradaha SCRP, Maareeyaha Xafiiska Deeq-bixiyaasha (Donor Engaged), howlihii uu ka hayay Maamulka Wasaaradda, isaga oo wax muuqda ka qabtay qeybaha kala duwan ee shaqooyinka Wasaaradda Qorsheynta muddadii sannadka ah ee uu illaa hadda ka yahay Agaasimaha Guud.

Wuxuu udub-dhexaad u ahaa farsamooyonkii la fuliyay kuwoodii ugu muhiimsanaa, Waxaa uu sidoo kale hormuud u ahaa diyaarinta warbixinnada abaarahii Dalka ka dhacay 2016-2017, DINA oo uu ka ahaa hormuudkii qoray isla markaana Gobollada Dalka oo dhan tagay. Qorshaha dib u soo kabashada Abaaraha RRF iyo FINA, iyo sidoo kale, Qorshaha Horumarinta Qaranka NDP9 oo uu hoggaan u ahaa diyaarintiisii.

Ugu dambayn, Xaflad caawa Muqdisho gaar ahaan Hotel Jazeera ka qabsoontay ayaa lagu dhawaaqay in uu yahay qofka u qalma abaalmarintaas, waxaana u guddoomay abaalmarinta, Agaasimaha Qorsheynta Wasaaradda Mudane Muse Cusmaan Maxamed oo munaasabadda goobjoog ka ahaa, Madaxdii caawa ka soo qeybgalay xafladda ayaa uga mahad-celiyay Agaasime Asad Yuusuf Qanyare howlihii uu Qaranka u qabtay, sidoo kalana u qiray abaalka uu dalka iyo dadka u galay.

 

Share This:

Previous post
Next post

Fitaah Diinle (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA

by Fitaah Diinle February 1, 2023 24

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo

Wararka

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—น๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚๐—น๐—บ๐—ฎ๐˜† ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ฎ

by Fitaah Diinle February 1, 2023 77

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay

Wararka

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL

by Fitaah Diinle February 1, 2023 13

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku

Copyright ยฉ 2022 Radio Somit. All Right Reserved.