AGAASIMAHA GUUD EE ARRIMAHA BULSHADA GOBALKA BANAADIR OO WASAARADDA DEEGAANKA KALA WAREEGAY 6,000 OO DHIR AH .
Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Gobolka Banaadir Mudane Cabdullahi Adam Muuse ayaa kala wareegay Wasaaradda Degaanka iyo isbadelka Cimilada Xukuumada Federaalka Soomaaliya ilaa 6,000 oo Dhir oo ah Qeybtii ugu horeeysay ee Barnaamijka Dhireynta Gobolka Banaadir si loo fuliyo amarkii Madaxweynaha ee ahaa Soomaali Cagaaran.
Iyadoona Munaasabada uu Maamulka Gobolka Banaadir kula wareegayay dhirtaas ay goobjoog ka ahaayeen Agaasimaha Guud ee Howlaha Guud iyo Agaasimaha waaxda Beeraha iyo Jardiinooyinka Dowladda Hoose Xamar.
Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Mudane Cabdullahi Adam Muuse ayaa Wasaaradda uga mahadceliyay in Maamulka Gobolka Banaadir ay soo gaarsiiyaan dhirtaan, asigoona sheegay in Qeybta Arrimaha Bulshada ay diyaarisay qorshaha lagu xifdin lahaa Dhirtaasi isla markaana loogu beeri lahaa Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir si loo gaaro Muqdisho Cagaaran oo uu kal hore ku dhawaaqay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).