Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗳𝗱𝗶 𝘀𝗮𝗿𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗰𝗱𝗮 𝗕𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗔𝗱𝗱𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Wararka
  3. Afartan Qof Oo Ku Dhimatay Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Dalka Senegal….
 Afartan Qof Oo Ku Dhimatay Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Dalka Senegal….
Wararka

Afartan Qof Oo Ku Dhimatay Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Dalka Senegal….

by Raad Raac January 10, 2023 9 0 Comment

AA

Illaa afartan qof ayaa dhintay halka ay dhaawacmeen illaa 85 qof oo kale ka dib shil gaadhi oo ka dhacay gobolka Kaffrine ee dalka Senegal. Shilkan gaadhi ayaa ka dhashay ka dib markii ay xilli habeenimo ah isku dhaceen laba bas oo waaweyn.

Sawirro laga soo qaaday dhacdadan ayaa muujinayay bas cad oo weyn oo kuraastiisa uu dhiig ka buuxo, iyada oo qaybta hore ee baskuna ay gebi ahaan burburtay.

Shilalka gaadiidka ayaa aad ugu badan dalka Senegal, waxaana sabab u ah khaladaadka darawallada, waddooyinka oo xun iyo gaadiidka qaarkood oo duug ah, sida ay khubaradu sheegayso. Masiibadan ugu dambaysay ayaa sababtay mid ka mida dhimashadii ugu badnayd ee waayadan ka dhalata shilalka gaadiidka ee dalkaas.

War qoraal ah oo ay dawladda Senegal soo saartay ayay ku dhawaaqday saddex maalmood oo baroordiiq qaran ah oo ka bilaabmaysa maalinta Isniinta, waxaana hoos loo dhigay calamada dalka oo dhan.

Madaxweynaha Senegal Macky Sall ayaa qorsheeyey safar uu ku tegeyo goobta shilku ka dhacay oo u dhow tuulada lagu magcaabo Sikilo.

Dacwad oogaha guud Cheikh Dieng ayaa bayaan uu soo saaray wuxuu ku sheegay in baadhitaanadii ugu horreeyey inay muujiyeen in mid ka mida basaska ay raacaan dadweynuhu in taayir u qarxay, ka dibna uu baskaasi ka leexday wadadii uu ku socday, sidaasna uu shilka ku galay.

Bayaanka uu soo saaray dacwad ooguhu ayaa dhacday 03:30 habeenimo wakhtiga dalkaas.

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 18

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.