GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.
Afar iskaashato oo ka dhisan tuulooyin hoos yimaada degmada Godey oo loo qeybiyay geel.
Afar iskaashato oo ka dhisan tuulooyin hoos yimaada degmada Godey oo loo qeybiyay geel
Hay’adda PC ayaa 16 geel oo lammaan u qeybisay afar iskaashato oo ka dhisan tuulooyinka Goodiray, Cilaan, Kunka iyo Doolabacaad oo ka tirsan degmada Godey. Ha’yadda oo ka duulaysa barnaamijka uu daahfuray raysalwasaarada dalka ee dhaqo oo dheefso ayaa ugu talo’gashay in ay kor u qaadaan hab-nololeedka bulshada xoolo-dhaqata ah. Xoolahan ayay ka faa’iidaysan doonaan 200 oo qof oo ku dhaqan tuulooyinkaas.
Madasha lagu qeybinayay geela ayay goobjoog ka ahaayeen masuuliyiin iskugu jiray heer deegaan, heer gobol iyo heer degmo iyo sida oo kale masuuliyiinta hay’adda PC.