Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗳𝗱𝗶 𝘀𝗮𝗿𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗰𝗱𝗮 𝗕𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗔𝗱𝗱𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Warbixinada
  3. Aas-qaran oo lagu Sagootiyay Marxuum Maxamed Diiriye Daarood…
 Aas-qaran oo lagu Sagootiyay Marxuum Maxamed Diiriye Daarood…
Warbixinada

Aas-qaran oo lagu Sagootiyay Marxuum Maxamed Diiriye Daarood…

by Raad Raac December 27, 2022 16 0 Comment

AA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay Aas qaran oo xabaalaha Uubaale ee koonfurta Hargeysa loogu sameeyey marxuum Maxamed Diiriye Cige (Daarood) oo kamid ahaa odayaasha talo-qabeenka ah ee reer Somaliland.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada, xubno kamid ah golaha wasiirrada, madax kala duwan oo xukuumadda katirsan iyo dadweyne oo aad u tiro badan, ayaa ka qaybgalay Aaska marxuum Maxamed Diiriye Cige oo waqti badan soo geliyey islaaxa iyo midaynta ummadda reer Somaliland, islamarkaana maalintii shalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Qaar kamid ah madaxda dhaqanka, waxgaradka iyo waayeelka reer Somaliland oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday wanaaggii iyo samo-falkii marxuumka, waxana ay Eebbe uga baryeen inuu jannooyinkiisa ku casuumo.

Xubno kamid ah golaha wasiirrada iyo maayarka caasimadda Hargeysa oo goobta Aaska ka hadlay, ayaa iyaguna si qoto dheer u sharraxay sidii uu marxuumku waqtiga badan u gelin jirey midnimada iyo walaaltinimada ummadda dhexdeeda ee uu astaanta ugu ahaa wanaagga.

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada, Mudane Siciid Mire Faarax (Giirre), ayaa isaguna marxuumka tacsi tiiraanyo leh u diray, waxana uu Eebbe uga baryey inuu jannadii Firdowsa ka waraabiyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo tacsida kelmedo kooban ka jeediyey, ayaa ugu horrayn tacsi tiiraanyo leh u diray marxuum Maxamed Diiriye Cige (Daarood) oo kamid ahaa haldoorka astaanta u ah nabadda iyo wada-jirka ummadda reer Somaliland, waxana uu marxuumka ku sifeeyey nabad-doon tacab badan geliyey sidii ay bulshadiisu wada-jir ugu horumari lahayd.

 

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 16

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.