Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa soo saaray shaxda uu kaga hor tagi doono kooxda Fulham kulan ka tirsan horyaalka premier League.
Klopp ayaa ku soo alay shaxdiisa ugu adag isaga oo weerarka ku bilaabay xiddiga Roberto Firmino iyada oo saxiixiisa cusub ee darwin Nunez kadyka ku bilowda.
Tababare Klopp ayaa kulanka ku soo galay shaxdii xilli ciyaareedkii hore maadama uuna ku bilaaban saxiixyadiisa cusub ee kooxda ku soo biiray.
Goolhaye Alisson ayaa ku soo laabtay shaxda Kooxdiisa kadib markii uu seegay kulamadii isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka:
Fulham: Rodak, Tete, Ream, Adarabioyo, Robinson, Reed, Palhinha, Pereira, De Cordova-Reid, Kebano, Mitrovic.
Kaydka: Leno, Duffy, Cairney, Solomon, Muniz, Mbabu, Francois, Harris, Stansfield.
Liverpool: Alisson, Alexander-Arnold, Van Dijk, Matip, Robertson, Fabinho, Thiago, Henderson, Salah, Diaz, Firmino.
Kaydka: Adrian, Gomez, Milner, Elliott, Nunez, Carvalho, Bajcetic, Van den Berg, Chambers.