Chelsea Oo Tijaabada Caafimaad Marinayso Marc Cucurella

Xiddiga Marc Cucurella ayaa haatan tijaabada caafimaadka u maraya kooxda chelsea sida ay sheegayaan wararka ka imanaya England.

Kooxaha Chelsea iyo Brighton ayaa wadahadalo ku jira si ay uga heshiiyaan saxiixa xiddiga daafaca Bidix ka ciyaara ee Marc Cucurella.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa haatan sheegaya in xiddiga Marc Cucurella uu haatan ku suganyahay magaalada London si uu tijaabada caafimaadka ugu maro kooxda Chelsea.

Xiddiga Marc Cucurella ayay haatan ka dhimantahay in uu xiddig chelsea ah noqdo in uu ku baaso tijaabada caafimaadka si loogu dhawaaqo saxiixa xiddiga.

Xiddiga reer Spain ayaa qalinka ku duugi doona heshiis 6 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda Chelsea ilaa xagaaga 2028.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,433FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles