Waxa furmay shirka wada-tashiga danta beel-weynta Ciise…

Shirka 1aad ee wada-tashiga danta beel-weynta Ciise oo ka furmay magaalada taariikhiga ee Ayshaca.

Waxaana ka soo qeyb-galay masuuliyiin uu ugu horreeyo madaxweyne ku-xigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, Wasiirka Xafiiska Madaxweynaha, Dr. Xuseen Qaasin, wufuud kala duwan oo ka kala socota wadammada dariska sida jamuuriyadda Jabuuti iyo Soomaalilland. Shirkan oo socon doona 1-da illaa iyo 7-da bishan August ayaa waxaa sida oo kale ka soo qeyb-galay ergooyin kor u dhaafsan 9 boqol oo qof.

Madaxweyne ku-xigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax oo ka qeyb-galay ayaa sheegay in isku-tashigan uu yahay mid xoojinaya midnimada beesha iyo beelaha kale ee Soomaaliyeed, wuxuuna intaasi ku daray in ay la soo bixi doonaan go’aammo dhaxalgal ah oo ka turjumaya adkaynta qiyamka wada-noolaansho ee beesha iyo beelaha kale ee Soomaaliyeed.

 

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,433FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles