XUSKA TODOBAADKA NAAS NUUJINTA.

XUSKA TODOBAADKA NAAS NUUJINTA.

Waxaa Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ay manta qabaty munaasabad lagu daahfurayo Xuska Todobaadka NAAS NUUJINTA. Munaasabada waxaa horjoog u ahaa manta Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Fawziya Abikar Nur oo ay Wehliyaan Wasiiradda Wasaaradda Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka Marwa Xanifa Mahamed Ibrahim iyo Senator Zamzam Dahir.

Munaasabda waxaa kaloo kasoo qaybgalay Agaasimaha Caafimaadka Maamulka Gobola Banadir Mr Mahamed Adow, howlwadeenadda Wasaaradda Caafimaadka, Xubno katirasan Ururadda kala duwan ee Xirfadleyda Caafimadka, Agaasimayaasha Cisbitaaladda, Hay’adahha ka shaqeeya Nafaqadda, Ururka Haweenka Soomaliyeed iyo Bulshadda Rayidka.

Ujeedka Munaasabada ayaa ku aadanayd sidii kor loogu qaadi lahaa baraarjuga bulshadda iyo wacyigelinta muhiimadda naasnuujinta iyo garab istaaga hooyadda ee naasnuujinaysa.
Waasaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadu waxay ku talinaysa in naas-nuujintu ay bilaabato saacadda ugu horeyso marku ilmaha u dhasho, waana in uu helaa naas-nuujin aan barax lahayn 6da bilood ee ugu horaysa.

HAL KU DHIGGA SANADKA …

wuxuu taageerayaa hal ku dhigga ku qotoma odhaahdan, “Aan u Istaagno Naas-nuujinta”

BAR OO TAAGEER.

Naas-nuujintu waxay ilmaha siisaa bilow nolaleed oo wanaagsan waayo waxay ilmaha u suurta galisaa koriimo caafimmad leh.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,433FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles