Major General Tesfaye Ayelaw Ayaa Ku dhawaqay…

Itoobiya oo kudhawaaqday in Duulaankii lagu soo qaaday S/Galbeed, ay qeyb ka ahayd kooxda TPLF oo lasafnayd Al Shabaab.

General Tesfaye oo ah Taliye kuxigeenka Nabadsugida Itoobiya ahna Madaxa howlgalinta Milateriga, oo ka warbixiyay dagaalkii Alshabaab soo qaaday ee maal-mahan socday ayaa sheegay inay ku lug leeyihiin xoogagga dibeda ah iyo kooxda TPLF.

Generalkan ayaa sheegay in Alshabaab xisaab qaldan isku dhufsatay oo ay isla lahayen dhankaas ciiddan xooggan ma joogo,haddii aad gudaha gashaana gurmad ayaas heli kartaan.

Tesfaye oo ka hadlayay weerarkii Alshabaab ayaa yiri
“20 ama 30 gaadhi intaad Itoobiya kusoo weerarto kuma jabin kartid.Dhamaan kooxdii guddaha soo gashay waa la cidhib tiray.Ciiddamada gaarka ah ee Soomalidu waxay muujiyeen geesinimo cajiiba.Runtii guul wayn oo cashir u noqonaysa ayaan gaadhnay loo dhigay argagixisada.”

Generalkan ayaa xusay in argagixisada hoggaamin laga dilay,wuxuuna sheegay inay jiraan iskudayo kale oo ay wadaan balse wuxuu tilmaamay in halkooda[Somalia] lagu xakamayn doono.

 

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,433FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles