Cristiano Ronaldo Oo Seegaya Bilowga Man United Ee Xilli Ciyaareedka Cusub.

Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa in la filayo in uu seegi doono bilowga kooxdiisa ee xilli ciyaareedka cusub ee premier League.

Xiddiga 37 jirka ah ayaa ka mid ah xiddigaha ugu hadal haynta badan suuqa kala iibsiga kadib markii uu qirtay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda si uu uga ciyaara champions League.

Ronaldo ayaan wali ka soo muuqan tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub isaga oo seegay kulamadii isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Xilli wax laba todobaad ka yar inaga xigaan bilaabashada xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka premier League, wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in uu Ronaldo seegi doono kulanka ugu horeeya ee Man United ee prmeier League.

Man United ayaa 7 bisha soo socota la ciyaari doonta kooxda Brighton kulankoodii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedka cusub kaas oo noqon doono kulankii ugu horeeyay ee Rasmi ah ee tababare Erik Ten Hag.

Inkasta oo la arkay xiddiga oo ku tababaranaya dalkiisa Portugal hadana xiddiga ayaan ka qayb noqon doono kulanka ugu horeeya ee ay Man United ku bilaaban doonto xilli ciyaareedka cusub.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,433FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles