Barcelona Oo La Ogaaday Jules Kounde

Barcelona ayaa la filayaa in ay dalabkeeda ka gudbiso daafaca kooxda Sevilla ee Jules Kounde maanta oo Isniin ah kadib markii uu xiddigu sheegay in uu diyaar u yahay in uu aqbalo shuruudahooda.

chelsea ayaa mar hore ka gudbisay dalab lacageed oo dhan 55 milyan isla markaas ay Sevilla aqbashay laakiin Barcelona ayaa diyaar u ah in ay bixiso lacagta Blues miiska saartay si ay u hesho saxiixiixa xiddiga.

Tababaraha Barcelona ee Xavi ayaa la kulmay Kounde waxana ay kalsooni weyn ku qabaan in ay heli doonaan xiddiga kuna garaaci doonaan chelsea.

Dalabka la filayo in ay Barcelona ka gudbiso Kounde saacadaha soo socda ayaa noqon doona 51 milyan oo euro waana mid ka hooseeya dalabka ay chelsea ka gudbisay saxiixa xiddiga.

Ilaa haatan suuqa xagaaga chelsea ayaa la soo saxiixatay Andreas Christensen dhanka daafaca waxana ay doonaysaa in ay difaac kale ku soo darto kooxdeeda.

Khibrada Kounde ee ka ciyaarista horyaalka La Liga ayaa ah sababta ugu weyn ee ay Barcelona ugu waalanayso saxiixa xiddiga reer France.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,433FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles