Ronaldo Oo Ciqaab Maldahan u bilabmatay…!

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay in ay u ogolaato Cristiano Ronaldo in uu ku baxo heshiis amaah ah oo hal xilli ciyaareed ah.

Mustaqbalka weeraryahanka ayaan la hubin ka dib markii Ronaldo uu muujiyay in uu doonayo in uu ka tago United xagaagan si uu ugu ciyaaro koox k xilli ciyaareedka dambe ka ciyaareysa Champions League.

Kooxo dhowr ah – oo ay ku jiraan Chelsea, Bayern Munich iyo Sporting Lisbon – ayaa lala xiriiriyay 37 jirkaan, laakiin ma jiro wax dalab ah oo la taaban karo oo ka yimid mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn Yurub.

Iyadoo xaaladdu weli aan la hubin, wargeyska Mirror ayaa ku waramaya in United ay raadineyso suurtagalnimada ah in heshiis amaah ah ku diraan laacibkaan

Waxaa lagu waramayaa in United ay ku ciqaabayaan Ronaldo  in hishiis dheeraad ah oo ilaa 2024-ka ah ogalaado si koox Champion-ka ciyaareysa xilli ciyaareedkaan loogu diro .

Heshiiska la soo jeediyay ayaa dhigaya in xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal uu sii joogi doono hal xilli ka hor inta uusan ku soo laaban ololaha 2023-24, iyadoo Red Devils ay ku rajo weyn tahay inay xaqiijiso booska afarta sare xilli ciyaareedkan.

Waxa ay kooxda..com xuseysaa in arintaan ay imaaneyso xilli si weyn laacibkaan loola xariinayo in uu ku biiri doonno Atletico Madrid .

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,433FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles