Wax ay aheyd ciyaar saaxibtinimo balse u muuqatay kulan el clasico rasmi ah , waxa ayna guusha raacday Barca ka dib gool oo meel fog ka toogtay saxiixooda cusub ee Raphina kaasi oo ka faa`ideystay qalad ka dhacay Militão
Ciyaarta guud ahaan labada koox faa`ido ayay u laheyd marka la eego fusrad siinta ciyaartooyda gaar ahaa Barca oo soo bandhigtay ciyaar cajiib ah xilli saxiixyadeyda cusub ay fax fax ahaayeen
Raphina garabka midig ayuu ka ciyaaray qeybta hore halka tan labaad isu soo rogay bidix iyadoo uu muujiyay in uu yahay hishiis faa`ido badan
Lewandoski , qeybta 1-aad ayuu ciyaaray laakiin bahalnimo kuma soo muuqan balse taasi micnaheedu ma ah in uu doonayo la qabsi badan
Barca keyd xooggan aay haystaan haddii Xavi si caqliyeysan uga u maamulo xill ciyaareedka bilaabanaya.
Real aad uma wacneyn inta badan daqiiqadihii kulanka waa ayna tabeen maqnaashaha Benzema , Hazard wax fiican ma qaban balse xiddiga kulanka ee dhanka Real waxa uu ahaa gool hayahooda kaasi oo bad baadin cajiib ah sameeynayay mar waliba