Thomas Tuchel Oo Cesar Azpilicueta Ka Hor Istaagaya Ku Biirista Barcelona.

Tababaraha Kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa sheegay suurtagalnimada uu Cesar Azpilicueta uga hor istaagi doono ku biirista kooxda Barcelona suuqa xagaagan.

Waxa si weyn loo hadal hayaa in uu xiddiga reer Spain doonayo in uu ku biiro kooxda Barcelona suuqa kala iibsiga xagaagan.

Kooxda chelsea iyo Barcelona ayaa xitaa lagu soo waramyaaa in ay ka heshiiyeen saxiixa xiddiga isla markaas Blues sugayso in ay daafac cusub la soo saxiixato si ay Azpilicueta ugu ogolaato ku biirista ku biirista Barcelona.

Tuchel oo wax laga waydiiyay arintaas ayaa yidhi”Waa su’aal adag, sababta oo ah ma hubo in aan doonayo in aan Azpilicueta siiyo waxa uu doonayo, maadama ay tahay waxa ay kooxdu doonayso”.

“Waxa laga yaabaa in uu wakhti ku biiri Barcelona laakiin uma malaynayo in uu wakhtigaas haata yahay, ma hubo in aan Azpilicueta u ogolaan doono waxa uu doonayo”ayuu sii raaciyay.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,433FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles