Oleksandr Zinchenko Booska u ka ciyaridoono Wax ka ogow..?

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa sheegay in uu xiddiga Oleksandr Zinchenko ka ciyaarsiin doono booska daafaca Bidix kadib markii ay Arsenal dhamaystirtay saxiixa xiddiga.

Arsenal ayaa jimcihii xaqiijisay saxiixa daafaca Oleksandr Zinchenko kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Man City kana dhigtay saxiixeedii 5-aad ee suuqa xagaaga.

Xiddiga reer Ukriane ayaa ka ciyaari kara boosaska daafaca dhexe iyo waliba khadka dhexe sida uu horay uga soo sameeyay intii uu joogay Man City iyo waliba xulka qarankiisa.

“Booskiisa ugu weyn waa daafaca bidix,” Arteta ayaa yiri Jimcihii.

“Laakiin sidoo kale waxa uu ka ciyaari karaa boosas kale waana tayada Oleksandr Zinchenko”Ayuu Arteta sii raaciyay

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,433FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles