Barcelona Oo Chelsea Ku Garaacaysa Saxiixa Jules Kounde

Kooxda Barcelona ayaa 99% ku dhaw in ay saxiixato xiddiga Jules Kounde kadib markii ay ka afduubatay chelsea kuwaas oo heshiis la gaadhay Sevilla sida ay sheegayaan wararku.

Daafaca Sevilla ayaa ku dhawaa in uu ku biiro kooxda Chelsea maalmaha soo socda kadib markii ay Sevilla miiska u saartay lacag dhan 55 milyan oo euro oo ay kooxda reer Spain aqbashay.

Laakiin Kooxda Barcelona ayaa haatan chelsea ka afduubanaysa saxiixa xiddiga reer France kadib markii ay talaabo weyn u qaaday saxiixa xiddiga.

Saxafiga Gerard Romero ayaa haatan sheegaya in ay kooxda Barcelona heshiis la gaadhay daafaca Jules Kounde iyaga oo haatan ku dhaw in ay dhamaystiraan.

Saxafiga ayaa sheegaya in ay Barcelona dhamaystirtay saxiixa xiddiga isla markaas ka dhimantahay in lagu dhawaaqo saxiixa xiddiga.

Romero ayaa sheegay in heshiiska uu Kounde ugu biirayo Barcelona la dhamaystiray 99% kadib saacado ay Barcelona wadahadalo kula jirtay xiddiga iyo kooxdiisa Sevilla.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,433FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles