Maxay Real Ka Yiraahdeen In Ay Dib Ula Saxiixanayaan?

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa shaaca ka qaaday mawqifka ugu dambeeya ee Real Madrid ee ku aaddan soo laabashada xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal, Cristiano Ronaldo ka dib markii ay soo baxeen xogo tilmaamaya in ay suura gal tahay in xagaagaan uu ku laaban karo.

Ronaldo ayaa raadinaya koox uu ku biiro ka dib hal xilli ciyaareed oo kaliya oo uu ku sugnaa Manchester United, maadaama uusan dooneyn inuu sii joogo masraxa riyada, ka dib markii kooxda ku fashilantay in ay soo baxo Champions League xili ciyaareedka bilaabanaya.

Cristiano ayaa u sheegay maamulka Manchester United inuusan dooneyn inuu sii joogo, inkastoo uu qandaraaskiisu dhacayo xagaaga sanadka soo socda ee 2023, laakiin hadafka wiilka reer Portugal  ayaa ah in uu ku guuleysto Champions League, sidaas darteed ayuu u doonayaa inuu baxo.

Wararka ayaa sheegaya in ay jireen kulamo dhexmaray Ronaldo iyo madaxwenaha Real ee Florentino Perez  balse wargayska ayaa beeniyay sheekadaas.

Marca ayaana ogaatay in qorshaha Real Madrid uusan waxba iska bedelin, kooxduna aysan gabi ahaanba ka fikirin soo celinta Cristiano Ronaldo.

Wargeyska ayaa sheegay in Real Madrid aysan la soo saxiixan doonin ciyaaryahan weerar ah, marka laga reebo inay iibiyaan ciyaartoy mooyaan, laakiin Ronaldo ayaan lagu dari doonin xisaabaadka kooxda boqortooyada.

Ronaldo waxa uu Madrid ku sugan yahay laba maalmood, laakiin Real Madrid kuma fikirayso inay dib u soo celiso gooldhaliyahoodii ugu sarreeyay ee taariikhiga ahaa, inkasta oo uu labada dhinac xidhiidh fiican ka dhexeeyo, haddana kooxdu waxay arkaysaa in aanu boos ka haysan kooxda.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,433FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles