Mane salah& Mendy Oo U Tartamaya Xiddiga Ugu Fiican Africa Ee Sanadka

Xidhiidhka kubbada cagta Afrika ee CAF ayaa ku dhawaaqay saddexda ciyaartoy ee ku tartami doona abaal marinta kubbada cagta Afrika ee sanadka 2022.

Xiddigaha Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Edouard Mendy ayuu midkood ku guulaysan doona abaalmarinta xiddiga ugu fiican qaarada Africa sanadka 20022 iyada oo habeen dambe lagu qaban doono magaalada Rabat ee dalka Morocco.

Labada Xiddiga ee ugu cad-cad ku guulaysiga abaalmarinta ayaa kala ah xiddigaha Salah iyo Mane kuwaas oo muhiim ka ahaa kooxda Liverpool.

Xiddigaha Mane iyo Salah ayaa Liverpool ayaa kula guulaystay koobabka FA Cup-ka iyo Leaue cup-ka iyada oo uu Mane dheeryahay ku guulaysiga koobka Africa.

Dhanka kale Goolhaye Mendy ayaa ku tartami doona abaalmarinta kadib markii uu xulka qarankiisa Senegal kula guulaystay koobka qaramada qaarada Africa.

Si kasta ha ahaatee Goolhaye Mendy ayaan guulo kale la gaadhin kooxda chelsea xilli ciyaareedkan

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,433FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles