MADAX WAYNE CUSUB EE DALKA SRILANKA

SRILANKA OO YEELATAY MADAX WAYNE CUSUB

Sri Lanka oo yeelatay madaxweyne cusub kadib markii uu cararay madaxweynihii hore
Ranil Wickremesinghe
Baarlamaanka Sri Lanka ayaa madaxweyne cusub u doortay Ranil Wickremesinghe oo ahaa Ra’iisul Wasaaraha dalkaas.

Ranil Wickremesinghe ayaa helay 134 cod halka ninkii la tartamayay Dullus Alahapperuma uu helay 82 cod.

Waxaa si weyn loo adkeeyay amniga dhismaha baarlamaanka xilliggii ay dhaceysay.

Howlaha horyaalla Ranil Wickremesinghe waxaa kamid ah in uu hoggaamiyo dalkan uu saameeyay dhaqaale xumida iyo in uu soo celiyo xasiloonida kadib dibadabaxyada ballaaran ee saameeyay Sri Lanka.

Madaxweynihii hore ee Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa ayaa isaga cararay dalka toddobaadkii lasoo dhaafay.

doorashada Ranil Wickremesinghe ay dibadbaxyo hor leh ka dhaliyaaan magaalada caasimadda ah ee Colombo.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,433FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles