Lacib ka De Light, Oo sheegay sababta U Doortay Bayern Munich Una Diiday Chelsea

Matthias de Ligt  ayaa shaaca ka qaaday inuu xiriir joogto ah la lahaa Bayern Munich saddexdii sano ee lasoo dhaafay, isagoo ka hadlay go’aankii uu kaga tagay Juventus kuna biiray kooxda Bavarian-ka, iyo sababta uu isaga dhago tiray dalabka Chelsea.

Bayern Munich ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa De Ligt ee Juventus ilaa June 2027, waxaana ninka reer Holland uu wareysi siiyay  wargeyska Jarmalka ee  “Bild”.

De Ligt ayaa yiri “Mar walba Bayern si dhow ayaan ula socday sababtoo ah waa koox xiiso leh oo guulo badan leh, ciyaartoydii hore ee Bayern sida Arjen Robben iyo Marc van Bommel ayaa had iyo jeer ammaan jiray kooxdaas”.

Waxa uu hadalkiisa raaciyay: “Qof walba waxa uu ii xaqiijiyay waxa ay tahay kooxda FC Bayern ee cajiibka ah, waxaa intaa dheer, waxaan mar walba dareemaa inaan ku xiranahay maskaxda Jarmalka, inaan si adag u shaqeeyo oo aan lahaado maskax sax ah, waxaan dareemayay in aniga iyo Bayern aan si fiican oo wada jir ah u wada socon karno!”

e Ligt oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Saddex sano ka hor waxaa jiray wadahadalo badan oo aan la yeelanay Bayern iyo kooxo kale, waxa aan ku soo gaba gabeeyay Juventus, waanan uga mahadcelinayaa in aan talaabadan qaaday wakhtigaas”.

De Ligt oo ka hadlay qaab ciyaareedka Bayern Munich ayaa yidhi: “Waa run in Juventus qaabkeeda difaaceedu yahay mid aad u difaac badan, Bayern qaabkeeda weerarka xaqiiqdii waa igu haboona, xaqiiqdiina waxay ahayd sababtii aan u go’aansaday inaan u wareego Munich, Bayern waxay ciyaartaa kubad ku jihaysan xaga hore oo aad u fiican. cadaadiska, tanina waxay ku habboon tahay xooggayga.”

Mar wax laga waydiiyay xiisihii  ay Chelsea u qabtay una doortay Munich   waxa uu yiri “Aad ayaan ula dhacay sababtoo ah dhamaan maamulka Bayern ayaa biloowgii i siinayay dareen ah in kooxdu ay dhab ahaantii i doonaysay, waxa ay ahayd kulan sax ah. “

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,433FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles