hoggaamiyayaasha Ruushka, Turkiga iyo Iiraan.

Waa sawiradii laga soo qabtay shirkii hoggaamiyayaasha Ruushka, Turkiga iyo Iiraan. Kulanka waxaa looga hadlay nabadeynta Suuriya iyo sidii loo fududeen lahaa dhoofinta qamadiga Ukraine ee u xayirmay duulaanka Ruushka ee Ukraine.

Putin ayaa ayaa dhiggiisa Erdoğan uga mahad celiyay dhexdhexaadinta uu ka sameeyay sidii hab nabad ah maraakiibta daabuleysa qamadiga u adeegsan lahaayeen Badda Madow. Putin wuxuu rajo weyn ka muujiyay in dhoofinta Qamadiga Ukraine sii socoto.

Dhanka kale madaxdeynaha Turkiga ayaa sheegay in dowladdiisu ka go’an tahay in ay Waqooyiga Suuriya ka saaraan kooxda Kurdiyiinta ee YPG/PKK oo uu sheegay in ay khatar ku yihiin amniga Turkiga, saaxiibadiina uu ka sugayo fulinta heshiiskii ahaa in kooxdaas laga saaro 30 kilometer oo xuduuda waqooyi ee gudaha Suuriya ah.

Erdoğan ayaa hadalkiisa raaciyay, in ay diyaariyeen illaa iyo hal milyan oo Suuriyaan ah, kuwaa oo ay qorsheynaayan in ay dib u dejin ugu sameeyaan dalkooda, isla markaana ay diyaariyeen in badan halkii ay degi lahaayeen.

Kulankan sedex geesoodka ayaa ku soo beegmay, maalmo un ka dib markii madaxweynaha Maraykanka Biden uu booqasho ku tagay Israa’iil iyo Sucuudiga, waxaa la fahansan yahay inuu kala hadlay qorshaha Ruushka a ku doonayo inuu xiriir istiraatijiyadeed oo dhow la yeesho Iran, China iyo India. Biden, wuxuu ugu hanjabay Putin cunuqabateyno cusub.

 

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,433FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles