Xisbiga Waddani Oo Cambaareeyay Talaabo Ay Xukuumada Muuse Kula Kacday Daahir Riyaale

“Aad ayaanu uga xunnahay waxa saaka ku dhacay Madaxwayne Daahir Rayaale”

Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi ayaa Cambaareeyay Talaabada Madaxweynihii hore ee loogu diiday in uu warbaahinta kula hadlo Madaarka Hargeysa.

Xoghaye Khadar oo baahiyay qoraal uu arinkaasi kaga hadlayo ayaa intaasi ku daray inay tahay in xukuumada Muuse Biixi Raaligelin ka bixiso talaabadaasi. Waxaanu qoraalka xoghayuhu udhignaa sidan:-

“Daahir Rayaale waa madaxwaynihii dhidibbada u taagay hannaanka dimuqraadiga ah ee Somaliland. Waxaa nasiibdarro ah maanta in kuwii hanaankaas dawladnimada ku hantay ay ka hor istaagaan inuu saxaafada kula hadlo madaarka Hargeysa.

Aad ayaanu uga xunnahay waxa saaka ku dhacay Madaxwayne Daahir Rayaale, xisbi ahaanna waanu cambaaraynaynaa. Xukumada waxaan ugu baaqaynaa inay arinkaas raaligelin ka bixiso, ciddii masuuliyaddaas lahaydna tallaabo ka qaado.”

 

Madawayne Riyaale ayaa markii dambe gurigiisa kula hadlay Warbaahinta isagoo sheegay in haddii loodiiday Garoonka inuu ku hadlo gurigiisaba ayna jirin cid udiidi kartaa

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,433FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles