Tababaraha Kooxda Man United ee Erik Ten Hag ayaa sheegay in uu adeegsan doono xiddigaha haatan kooxda u jooga hadii ay kooxdu ku fashilanto saxiixa Frenkie de Jong suuqa xagaagan.
Xiddiga khadka dhexe ee Barcelona oo 3 sano Erik Ten Hag kula shaqeeyay Ajax ayaa ah bartilmaameedka 1-aad ee Man United bilihii ugu dambeeyay iyada oo xitaa Labada kooxood ka heshiiyeen qiimaha xiddiga.
Si kasta ha ahaatee Frenkie de Jong ayaa diiday in uu ku biiro Man United isaga oo ku adkaysanaya in uu sii joogo kooxda Bayern Munich.
Tababare Ten Hag ayaa sheegay in ayna kooxdiisu suuqa u gali doonin xiddig kale oo khadka dhexe ah hadii ay kooxdu ku fashilanto in ay keento xiddiga Frenkie de Jong.
“Waxa aan raadinaynaa xiddig ka ciyaari kara khadka dhexe ee daafaca laakiin ah midka saxda ah”ayuu Ten Hag yidhi.
“Ma jirto xiddigo badan oo ka ciyaari kara booskaas isla markaas fahmaya shaxdayda, hadii aynu wayno waxa aan adeegsan doonaa xiddigaha haatan jooga oo aan horumarin doonaa”ayuu sii raaciyay.