Kooxda Chelsea oo Farriin Loo diray

Timo Werner ayaa qirtay markii ugu horeysay inuu qiimeynayo xaaladiisa Chelsea isagoo maanka ku haya Koobka Adduunka.

Weerar yahanka reer Jarmal ayaa aad u xiiseeynaa inuu dalkiisa ku matalo Qatar dhamaadka sanadkan, waxaana laga yaabaa inuu xuttaa ogalaado in uu amaah ku baxo si koox boos joogto uu ka helayo u aado.

Warner ayaa ka baqaya in kursiga keydka galo xilli Chelsea Raheem la soo hishiiyeen waxa uuna isha ku hayaa koobka aduunka

Waxaa la xaqiijiyay in weli uusan toos ula hadalin macalinkiisa Tuchel waxaana muuqaneysaa in weli aan la qaadan go`aan ku aadan

Wargeyska Mirror ayuu Warner ka yiri ” waxa ugu muhiimsan waa farxadda , aad ayaan ula dhacaa marka aan ciyaarayo ee aan goolal dhalnayo , taasi waa dhab , boos waliba oo gudaha garoonka ayaan ku faraxsanahay”.

“Wax qarsoon ma ahan in aan donao in aan daqiiqado badan ciyaaro  , waxaan doonayaa in xaalad wacan ku wajaho koobka aduunka , hadii aan heleyn sidaas  fursadeyda ka qeyb galka koobka aduunka ayaa yaraaneysa.

Mar la weydiiyay tartanka booska weerarka ee Stamford Bridge ka dib markii uu Sterling yimid waxa uuna yiri”Werner ayaa yidhi: “Kama duwana xilli ciyaareedkii hore, waxaan filayaa inay la mid ahayd markii uu Lukaku halkan yimid oo aanu tartan badan kula galnay weerarka”.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,433FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles