Red Devils Oo Booska kala bixidoono Lisandro MartinezKi

Kooxda Man United ayaa maanta xaqiijisay saxiixa daafaca Lisandro Martinez kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Ajax.

Xiddiga Lisandro Martinez ayaa noqday saxiixii 3-aad ee ay samayso Man United kadib Eriksen iyo Malacia kuwaas oo ay horay ula so wareegtay.

Man United ayaan wali shaacin Lambarka uu Lisandro Martinez u xidhan doono kooxda xilli ciyaareedka cusub.

Kooxda Red Devils ayaa haysa Lambaro badan oo banaan oo ayna jirin xiddigo haysta waxana ay Taageerayaasha United u dhag taagaaan lambarka la siin doono saxiixooda cusub.

No.15:

Lambarka ayaa la baneeyay kadib markii uu Andreas Pereira ka tagay kooxda kuna biiray Fulham, dhinaca daafacana waxa lambarkan kooxda Man United u soo xidhay Nemanja Vidic waana lambar Uu Martinez xidhan karo.

No.13:

Bixitaankii Lee Grant ayaa keentay in Lambarka No.13 banaanaado waxana Martinez mari karaa wadadii Halyeeyada Man United ee Gary Neville, David May iyo Phill Neville kuwaas oo soo xidhay Lambarka No.13.

No. 6:

Waxa Lambarkan ka tagay xiddiga paul Pogba oo ku biiray Juventus waana lambarka ay u badantahay in la siiyo Lisandro maadama uu u dhawyahay lambar uu difaac xidho.

No. 21:

Martinez ayaa soo xidhay Lambarka No.21 makrii uu Ajax joogay halkaas oo uu guulo kula soo gaadhay kooxda reer Netherlands waxana Lambarka baneeyay Edison Cavani oo kooxda ka tagay.

No. 24:

Lambarkan ayayna cidna u xidhan Man United tan ilaa markii uu baneeyay xiddiga Timothy Fosu-Mensah kaas oo isaga tagay kooxda sanadkii 2021

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,433FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles