Farin Loo diray Man United Oo ku sabsan..?

Halyeeyga Manchester United Teddy Sheringham ayaa ku booriyay kooxdiisii ​​hore inay iska iibiso Cristiano Ronaldo si ay dhaqaale ugu uruuriyaan si ay u keenaan saxiix weyn suuqa xagaagan.

Ronaldo ayaa United u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago hadii ay dalab ku haboon ka helaan kadib markii uu walaac ka muujiyay dhaq dhaqaaqa kooxda ee suuqa iyo in uu doonayo in uu ciyaaro champions League.

Laakiin tirada kooxaha doonaya 37 jirka reer Portugal ayaa ah kuwo aad u yar, iyadoo Chelsea ay ka mid tahay kooxaha diiday inay u dhaqaaqaan xiddiga.

United ayaa dhankooda ku adkaysanaya in uuna Ronaldo iib ahayn maadama uu kooxda ula jiro heshiis ilaa xagaaga 2023 ah.

Tababaraha cusub ee kooxda Man United Erik Ten Hag ayaa diiday in uu Ronaldo ka tago kooxda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Sheringham oo ka mid ahaa kooxdii Man United ee 3-da koob ku guulaystay sanadkii 1999 ayaa u sheegay kooxdiisii hore in ay iska iibiso xiddiga reer Porugal.

“Waxa aad moodaa in aan horay u sii arkay in uu Ronaldo dalban doono bixitaanka”ayuu u sheegay 8Xbet.

“Dadku waxa ay sheegayaan in uu Ten Hag Ronaldo ku dhiso kooxda laakiin hadii doonayo in uu boxo arintaas wado kale ayay u furaysaa United”.

“Waxa aad 2 ama 3 xiddig ku heli kartaa mushaharka uu qaato Ronaldo”ayuu sii raaciyay.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,433FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles