Arteta Oo Xog Cusub Ka Sheegay Mustaqbalka Saka Xilli City Iyo Liverpool Baacsanayaan

Tababaraha kooxda Arsenal Michael Arteta ayaa shaaca ka qaaday xaaladihii ugu dambeeyay ee mustaqbalka xiddiga Bukayo Saka kadib markii lala xiriiriyay suurtagalnimada ah in uu isaga tago kooxda reer England xagaagan.

Saka waxa uu noqday mid ka mid ah xiddigaha ugu saamaynta badan Arsenal, laakiin mustaqbalkiisa fog ee Imaaraadka ayaa shaki ku jiraa, iyadoo Liverpool iyo Manchester City labadaba lala xiriirinayo saxiixiisa.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegayay in Manchester City ay u aragto xiddiga heerka caalami ee dalka England riyada beddelka xiddiga ay isku dalka yihiin ee Raheem Sterling, kaasoo dhameystiray ku biiristiisa Chelsea toddobaadkan.

Saka ayaa la sheegay inuu ka mid yahay ciyaartoyda Arsenal ee ugu musgaarka yar kooxda, isagoo todobaadkii qaata ilaa £30,000.

Arsenal ayaa dooneysa inay Saka ka saxiixdo heshiis cusub oo uu ku sii joogayo Emirates Stadium, iyadoo Arteta uu sheegay inay ku dhowdahay in la dhammeeyo.

“Waan isku dayi doonnaa, labadeenaba hal ujeedo ayaanu leenahay, waa arrin waqti uun ah,” ayuu Arteta  wargeyska Ingiriiska ee “Metro”.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,433FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles