Waa Maxay Qorshaha Chelsea Ee Suuqa Xagaaga..?

Tababaraha Kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa sheegay in tallaalka Xanuunka Korona Saamayn ku yeelan karo qorshohooda suuqa kala iibsiga xagaaga.

Xiddigaha chelsea ee N’Golo Kante iyo Ruben Loftus-Cheek ayaa seegay safarka ay chelsea ku aaday dalka USA halkaas oo ay ku qaadanayso tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Maqnaanshaha Kante ayaa dhirbaaxo ku ah chelsea marka loo eego in uu xiddigu dhaawacyo badan ku maqnaa xilli ciyaareedkii hore waliba la doonayay in uu bilowdo tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Labada xiddig ee N’Golo Kante iyo Ruben Loftus-Cheek ayaa diiday in ay qaataan Tallaalka xanuunka Korona taas oo keentay in loo diido in ay galaan dalka USA.

Tuchel oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan ogaa in ay jiraan xiddigo kooxda ah oo aan qaadan Tallaalka Xanuunka Korona waxana loo diiday in ay kooxda raacaan”.

“Waa qayb ka mid ah nolosha kuma qasbi karno in ay sameeyaan wax ayna raali ka ahayn laakiin waxa aan xiddigaha ku dooran doonaa Tallaalka Xanuunka Korona”ayuu sii raaciyay.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,433FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles