Rafa Benitez sir u Kashifay ..?

Tababarihii hore ee Chelsea Rafa Benitez ayaa aaminsan in Kalidou Koulibaly uu ku dhibtoon karo inuu la qabsado xaalada adag ee Premier League ka dib markii uu ku soo biiray chelsea.

Xiddiga 31 jirka ah ayaa 8 sano ku qaatay kooxda Napoli isaga oo ka mid noqday daafacyada ugu fiican adduunka waxana uu haatan isku tijaabadinayaa England.

Chelsea ayaa xiddiga reer Senegal ka dhigtay saxiixeedii ugu horeeyay ee dhinaca difaaca kadib markii ay qaab xor ah ku wayday xiddigaha Antonio Rudiger & Andreas Christensen.

Benitez oo tababare u soo noqday xiddiga ayaa sheegay in la qabsashadiisa horyaalka premier League uuna noqon doonin mid fudud.

Waxa uu u sheegay The Athletic: “Waa inuu horumariyaa feejignaantiisa mararka qaarkood”.

“Waxa uu dabeecad u leeyahay in uu lumiyo feejignaantiisa mararka qaar waxana uu muujiyaa kalsooni ka bad-badis ah laakiin waxa uu ahaa xiddig aad looga jecelyahay Napoli”.

“Premier League waxa uu ku noqon karaa mid adag sida uu ula qabsadona way adkaan doontaa laakiin waa xiddig ku fiican in uu kubada la orod sidoo kale aad ugu fiican baaska”ayuu sii raaciyay.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,433FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles