Chelsea Oo Xaqiijisay Dhamaystirka Saxiixa Kalidou Koulibaly

Kooxda chelsea ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Kalidou Koulibaly kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Napoli.

Kalidou Koulibaly Ayaa noqday saxiixii 2-aad ee ay samaysay kooxda Thomas Tuchel isaga oo kooxda ugu soo biiray heshiis 4 sano ah oo uu ku joogi doono Stamford Bridge.

Xiddiga Koulibaly ayaa kooxda chelsea ku soo biiray kadib sanado badan oo uu joogay kooxda Napoli una ciyaaray kulamo badan oo muhiim ah.

Kabtanka Xulka Senegal ayaa xiddiga Sterling kula biiray kooxda chelsea isaga oo ka mid noqday saxiixyada ay samaysay kooxda chelsea suuqa xagaagan.

Koulibaly ayaa la kulmay saaxiibadiisa cusub isaga oo la qaadan doona tababarka ay isugu diyaarinayaan xilli ciyaareedka cusub.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,433FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles