Bernardo Silva Go’aan noocee ah, ayey Man City ka gartay..?

Kooxda Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay meesha ka saartay iibka xiddiga Bernardo Silva suuqa xagaagan.

Xilli oo uu 3 sano uga dhimanyahay heshiisa xiddiga reer Porugal, Silva ayaa si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Barcelona suuqa xagaagan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta uu wadahadalo la qaatay wakiilka xiddiga si uu u keeno kooxdiisa.

Xiddiga Bernardo Silva ayaa dhankiisa diyaar u ah in uu ku biiro kooxda Barcelona isaga oo xitaa qirtay in uu isaga tagi karo kooxda.

Si kasta ha ahaatee sida laga soo xigtay Mirror, Man City ayaan wax niyad ah u hayn in ay iibiso xiddiga 27 jirka ah.

City ayaa ku dhawaatay in ay xagaagii hore iibiso xiddiga Bernardo Silva sabab la xidhiidha arimo shaqsi ah laakiin haatan waxa ay meesha ka saartay in ay iibiso xiddig.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,433FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles