Saxiixa Cristaino Ronaldo waxa Meesha Ka Saaray Thomas Tuchel

Tababaraha kooxda Thomas Tuchel ayaa shaaca ka qaaday in la soo saxiixashada weeraryahan kale aysan haatan ahayn mudnaanta Chelsea xagaagan.

Chelsea ayaa Arbacadii ku dhawaaqday saxiixa xiddiga Raheem Sterling kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Man City.

Si kasta ha ahaatee Kooxda ayaa Lumisay Romelu Lukaku taas oo keentay in lala xidhiidhiyo saxiixa xiddiga weerarka ka ciyaara.

Chelsea ayaa lala xidhiidhinayay xiddiga baxsadka ka ah Man United ee Cristiano Ronaldo kaas oo dalbaday in uu isaga tago kooxda.

Tuchel oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”meesha kama saari karo in aan la soo saxiixano weeraryahan cusub laakiin haatan ma ahan mudnaanta 1-aad haatan”

“Haatan waxa aan diirada saari doonaa difaaca, cid walba way ogtahay in aan u baahanahay xoojinta booskaas”ayuu sii raaciyay.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,433FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles