Lacib ka Serge Gnabry Oo Iska Diiday Man City & Chelsea

Serge Gnabry ayaa qarka u saaran inuu qandaraas cusub u saxiixo Bayern Munich ka dib markii uu ku qancay qandaraaskii ugu dambeeyay ee kooxda Bundesliga, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Jarmalka.

Mustaqbalka 26-sano jirkaan ayaa u muuqday mid ka soo dhamaaday kooxda Bayern Munich iyada oo heshiiskiisa kooxdu dhici doono xagaaga soo aadan.

Kooxaha chelsea, Liverpool, Arsenal, Man City iyo Real Madrid ayaa dhamaantood xiiso u muujiyay saxiixa xiddiga garabka ciyaara sida laga soo xigtay Sportsmail.

Kooxaha chelsea iyo Man City ayaa ahaa kooxaha sida dhabta u doonayay saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara Bayern Munich ee Serge Gnabry.

Si kasta ha ahaatee xiddiga ayaa haatan go’aansaday in uu sii joogo kooxda Bayern Munich isla markaas heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Wargayska Kicker ayaa sheegaya in uu xiddigu ku qancay heshiiska cusub ee ay kooxdu u soo bandhigtay isaga oo qalinka ku duugi doona heshiis 5 sano ah.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,433FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles