Kooxaha Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Premier Leagu Wax ka ogow…

Graeme Souness ayaa saadaaliyay cida ku guulaysan doonta horyaalka premier League xilli ciyaareedka dambe waxana uu sheegay in ay Tottenham iyo chelsea ku tartami doonaan horyaalka.

Man City ayaa xilli ciyaareedkii hore ku guulaystay horyaalka premier League iyaga oo maalintii ugu dambaysay ka qaaday kooxda Liverpool.

Chelsea iyo Tottenham ayaa ku soo kala baxay kaalmaha champions League laakiin waxa ay ku fashilmeen in ay la tartamaan kooxaha Liverpool iyo Man City.

Kooxaha waaweyn ee premier League ayaa sameeyay saxiixyo cusub iyada oo ay koox walba dhinaca ay u liidato iska dhisayo isla markaas keenayso xiddigo ay ku xoojiso kooxda.

Souness ayaa sheegay in ay kooxaha Man City iyo Liverpool wajihi doonaan tartan adag xilli ciyaareedka dambe.

Markii la waydiiyay in ay Man City iyo Liverpool ku tartami doonaan horyaalka mar kale xilli ciyaareedkan ayuu Souness yidhi”Maya, uma malaynayo”.

“Liverpool iyo Man City ayaa ugu cad-cad ku guulaysiga horyaalka laakiin waxa ay tartan adag kala kulmi doonaan Chelsea iyo Tottenham”ayuu sii raaciyay.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,433FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles