Saxiixa Raheem Sterling Oo Xaqiijisay Kooxda Chelsea

Kooxda Chelsea ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Raheem Sterling kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Man City.

Kooxda Chelsea ayaa Raheem Sterling ka soo bixisay 50 milyan oo euro iyada oo ka dhigtay saxiixeedii 1-aad ee suuqa kala iibsiga xagaaga.

Chelsea ayaa Xiddiga Raheem Sterling ka saxiixatay heshiis 5 sano ah iyo waliba hal sano oo dookh ah oo uu ku joogi doono kooxda ilaa xagaaga 2028.

Xiddiga Raheem Sterling ayaa noqday xiddiga ugu mushaharka badan kooxda chelsea kadib markii uu ku biiray Blues kadib 7 sano oo uu jooag Man City.

“Ugu horayn waxa aan doonayaa in aan idiin sheego in ay farxad ii tahay in aan ku soo biiro Chelsea”ayuu Sterling yidhi hadalkiisii ugu horeeyay.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,433FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles