Robert Lewandowski Bayern Munich

Kooxda Bayern Munich ayaa dhigeeda Barcelona u sheegtay wakhtiga kama dambaysta ah ee ay u baahantahay in ay la wareegto xiddiga Robert Lewandowski.

Xiddiga Robert Lewandowski Ayaa ku soo laabtay tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub xilli ay Barcelona ku dhibaatoonayso in ay Bayern kala heshiiso saxiixa xiddiga.

Bayern ayaa doonaysa in ay sii haysato xiddiga laakiin kuma qasbi doonto in uu sii joogo kooxda waxana ay diyaar u tahay in ay iibiso hadii ay hesho dalab lacageed oo dhan 50 milyan.

Barcelona ayaa dhankeeda doonaysa in ay lacag intaas ka yar ku iibiso xiddiga laakiin Bayern Munich ayaan diyaar u ahayn in ay aqbasho lacagtaas.

Kooxda Bayern Munich ayaa Barcelona u sheegtay in ay todobaadkan ku dhamaystirto saxiixa xiddiga maadama ay kooxdu bilaabayso isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Bayer ayaa bilaabaysa sawirada xiddigaha kooxda ee xilli ciyaareedka cusub waxana ay doonaysaa in ay Barcelona dhamaystirto wakhtigaas ama ay Robert Lewandowski ku daraan qorshohooda xilli ciyaareedka cusub.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,433FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles