Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay gabi ahaan isaga hadhay baacsigii ay ugu jirtay daafaca Kooxda Ajax ee Lisandro Martinez sabab la xidhiidha in uu Man United doortay xiddigu.
Labada kooxood ayaa ku tartamayay saxiixa xiddiga Ajax kaas oo doonaya in uu ku biiro horyaalka Premier League.
Tababaraha Man United ee Erik Ten Hag ayaa xiddiga Lisandro Martinez Kula soo shaqeeyay Ajax daafaca dhexe ayaana doonaya in uu la midoobo tababarihiisii hore.
Sida laga soo xigtay Football Terrance, Arsenal ayaa go’aansatay in ay isaga hadho baacsiga xiddiga reer Argentine maadama uu doorbidayo ku biirista Man United.
Arsenal ayaa diyaarinaysay dalab lacageed oo dhan 50 milyan oo euro si ay u hesho xiddiga 24 jirka ah ee ka ciyaari kara boos kasta oo daafaca ah.
Laakiin markii ay dareentay in uu doorbidayo ku biirista Man United ayay go’aansatay in ay isaga hadho baacsiga ay ugu jirto saxiixiisa.