Saxiixa Raphinha Oo Ka Heshiiyay Barcelona Iyo Leeds

Kooxda Leeds United ayaa aqbashay dalabkii ay kooxda Barcelona ka gudbisay saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee Raphinha sida ay sheegayaan wararku.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegay in ay kooxda Barcelona heshiis buuxa la gaadhay leeds United isla markaas kala heshiiyay saxiixa xiddiga Raphinha.

kooxda Barcelona ayaa lala xidhiidhinayay saxiixa xiddiga Raphinha kaas oo sidoo kale doonaya in uu ku biiro kooxda Barcelona suuqa xagaaga.

Saxafiga Romano ayaa sheegaya in ay Leeds iyo Barcelona si Rasmi ah uga heshiiyeen saxiixa xiddiga reer Brazil ee Raphinha.

Isla saxafiga ayaa sheegaya in ay Barcelona bixin doonto lacag dhan 58 milyan oo euro oo halka hore ah iyo lacag gunooyin ah.

Raphinha ayaa haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Barcelona waxana uu qalinka ku duugi doonaa heshiis ilaa xagaaga 2027 ah.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,433FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles