Hal Arin Oo De Ligt U Dhawaneysa In Uu Ku Biiro Bayern Munich

Daafaca Juventus ee De Ligt ayaa ogalaaday in mushaarkiisa uu dhimo si uu ugu biiro kooxda Bayern Munich

De Ligt ayaa  aad loola xariirinayaa in xagaagaan uu ka tagayo Juve xilli la ogsoon yahay in Chelsea ay baadi goobeyso laacibkaas .

Munich ayaa haatan la xusayaa in si dhab ah ugu dhaw yihiin saxiixa laacibkaas De Ligt .

Wargeyska Bild ayaa qoraya in De Ligt uu si fog uu u doonayo in uu baxo kuna biiro Juve inta suuqa xagaaga uu furan yahay

Sababta fududeyneysa in De Ligt ku biiro Munich ayaa ah isaga oo ogalaaday in uu hoos u dhigo mushaarkiisa

Juve waxa uu haatan ka qaataa 10 milyan oo euro balse waa tiro Munich aysan awoodin marka la eego nidaamka canshuuraha ee dalkaas Jarmala

Agaasimaha guud Bayern Munich ee Julian Nagelsmann ayaa la xusayaa in shaqsiyan uu De Ligt ku qanciyay in uu dhimo mushaarkiisan waliba ogalaado in uu ku biiro Munich

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,433FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles