Saxiixa Paul Pogba Oo la Dhamaystay…

Kooxda Juventus ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba kaas oo ay qaab xor ah ula soo wareegtay.

Pogba aya ku soo laabtay Juventus kadib markii uu dhacay heshiiskii uu kula joogay kooxda Man United dhamaadkii bishii hore.

Juventus ayaa xaqiijisay in uu Paul Pogba qalinka ku duugay heshiis 4 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda marwada duqda ah.

Xiddiga reer France ayaa ku soo laabtay Juventus kadib 7 sano oo uu joogay kooxda Man United kana ciyaarayay horyaalka premier League.

Juvenyus ayaa sidoo kale dhamaystirtay saxiixa xiddiga Angel Di Maria kaas oo kooxda ugu soo biiray heshiis hal sano ah.

Kooxda Juventus ayaa sidoo kale qaab xor ah kula soo wareegtay xiddiga Di Maria kaas oo uu heshiiskiisii kooxda PSG dhacay dhamaadkii bishii hore.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,433FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles