Koobka Club World Cup-ka aya sanad walba lagu tartamaa oo la ciyaaraa inta u dhexaysa November iyo December si loo ogaado kooxda ugu fiican adduunka sanadka.
Si kasta ha ahaatee tartanka ayaan la ciyaari doonin sanadkan inta u dhexaysa November & December taas oo keentay su’aal wakhtiga la ciyaari doono.
Wararka ayaa sheegaya in Tartanka Club World Cup-ka la ciyaari doono sanadka dambe gaar ahaan bisha February iyada oo la shaacin doono wakhtiga la ciyaari doono.
Marka la eego in ay Real Madrid ku guulaystay champions League waxa ay matali doontaa qaarada Yurub marka tartanka la ciyaari doono.
Waxa tartanka kala qayb gali doona qaaradaha kale ee adduunka iyo kooxaha ku soo guulaystay champions league-gooda sida Africa, Waqooyiga iyo Koonfurta Ameerika
Kooxda chelsea ayaa ah kooxda haatan haysata koobka kadib markii ay ku guulaystay sanadkii hore markii lagu qabtay dalka UAE.