Magaalada Barcelona Waxa garay Masuuliyiin Ka Socda Man United…

Agaasimaha kooxda Man United ee Richard Arnold & madaxa suuqa ee John Murtough ayaa haatan ku sugan maagalada Barcelona iyaga oo la kulmay masuuliyiinta kooxda Barcelona.

Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay dar-dar galinayso baacsiga ay ugu jirto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Frenkie De Jong.

Kooxda Man United ayaa xagaagan oo dhan lala xidhiidhinayay xiddiga reer Netherlands kaas oo ay Barcelona doonayso in ay iska iibiso.

Masuuliyiinta Man United ee Richard Arnold & John Murtough ayaa la kulmay masuuliyiinta kooxda Barcelona ee kala ah Mateu Alemany, Rafa Yuste & Jordi Cruyff.

Kooxda Man United ayaa doonaysa in ay sida ugu dhakhsaha badan u dhamaystirto heshiiska De Jong maadama uu aad u dhawyahay in uu bilowdo xilli ciyaareedka cusub.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,433FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles