Robert Lewandowski Koox U Ku beeri rabo….

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa lagu soo waramayaa in uu diyaar u yahay ku biirista kooxda Chelsea hadii uu ku fashilmo in uu ku biiro Barcelona.

Xiddiga Robert Lewandowski ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa ka tagista Bayern Munich isaga oo xitaa codsaday in uu isaga tago kooxda inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Xiddiga Robert Lewandowski ayaa codsaday in uu isaga tago kooxda xagaagan isaga oo doonaya in uu ku biiro kooxda Barcelona.

Laakiin Barcelona ayaa ku dhibaatoonaysa in ay Bayern Munich kala heshiiso qiimaha xiddiga taas oo adkaynsaysa in ay Barcelona dhamaystirto saxiixa xiddiga.

Sida laga soo xigtay Wargayska Bild Sport, Xiddiga Robert Lewandowski ayaa u dhaqaaqi doona kooxda Chelsea hadii uu ku fashilmo in uu ku biiro Barcelona.

Robert Lewandowski Ayaa haatanba u sheegay Bayern Munich in uuna doonayn in uu sii joogo kooxda isla markaas diyaar u yahay in uu isaga tago kooxda.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,433FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles