Man United iyo PSG oo Kawada Hadlay Cristiano Ronaldo….

Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay Man United la bilowday xiriiro ay kula soo saxiixaneyso Cristiano Ronaldo xagaagan.

Mustaqbalka xiddiga 37 jirka ah ayuu shaki ku jiraa isaga oo Man United ka codsaday in uu isaga tago kooxda suuqa xagaagan.

Ronaldo ayaan ku soo laaban tababarka Man United waxana uu ka shakisan yahay awooda kooxda ee u tartamista koobabka xilli ciyaareedka cusub.

Sidaas darteed Ronaldo ayaa u sheegay Man United in ay aqbalaan hadii uu dalab u yimaado suuqa kala iibsiga xagaagan.

Sida laga soo xigtay saxafiga Pedro Almeida, kooxda PSG ayaa la xidhiidhay Man United si ay u helaan saxiixa xiddiga reer Portugal.

Sidoo kale kooxda reer France ayaa wadahadalo la furtay wakiilka xiddiga ee Jorge Mendes si ay ugala hadlaan in uu xiddigu ku biiro kooxda ku ciyaarta Parc des Princes.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,433FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles