Leeds Iyo Barcelona Heshiisay Saxiixa Raphinhau dhaxmaray…

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in kooxda Leeds United kala heshiisay saxiixa xiddiga Raphinha sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain.

Kooxda Barcelona ayaa wadahadalo kula jirtay kooxda Leeds United iyaga oo ka doonaya saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara si ay ugu xoojiyaan kooxda.

Raphinha ayaa iska diiday kooxaha Arsenal iyo chelsea waxana uu ka doortay kooxda Barcelona isaga oo haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Kooxda Barcelona.

Haatan wararka isla soo taraya ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona ugu dambayn kooxda Leeds United kala heshiisay saxiixa xiddiga Raphinha.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona bixinayso lacag dhan 55 milyan oo euro iyo waliba 10 milyan oo Guno ah si ay u hesho saxiixa xiddiga reer Brazil.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,433FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles