Youri Tielemans Iyo Arsenal….

Kooxda ayaa sare u qaaday xiisaha ay u qabto Youri Tielemans waxayna diyaar u tahay inay dalab adag ka gudbiso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Leicester.

Arsenal ayaa kalsooni ku qabta in ay 30 milyan oo euro ku dhamaystiri karto saxiixa xiddiga 25 jirka ah inkasta oo ay tartan kala kulmi doonaan kooxaha Man United iyo Newcastle.

Mikel Arteta ayaa haatanba kooxdiisa ku xoojiyay lacag dhan 83 milyan oo euro isaga oo keenay kooxda xiddigaha  Gabriel Jesus, Fabio Vieira, Matt Turner & Marquinhos.

Haatan waxa ay dareenka u jeedinayaan in ay xoojiyaan khadka dhexe iyada oo ay maamulka kooxdu oolaadeen in uu u dhaqaaqo bartilmaameedkiisa xiga.

Tababarre Arteta ayaa xiddiga Tielemans u calaamadsaday bartilmaameedka 1-aad waxana uu doonayaa in uu maalmaha soo socda dhamaystiro saxiixiisa.

Leicester City ayaa diidan in ay lumiso xiddiga khadka dhexe waxana ay ku qiimeeyaan lacag dhan 40 milyan oo euro xilli hal sano ka dhimantahay heshiiskiisa.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,433FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles