Real Madrid ayaa heshiis cusub oo waqti dheer ah ka saxiixatay Rodrygo Goes, iyadoo weeraryahanka reer Brazil uu saxiixay heshiis ilaa 2028 ah.
Weeraryahanka da’da yarka ah ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigay tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda sanadkii 2019 waxana uu heshiiskiisu ku ekaa saandka 2025.
Rodrygo ayaa door weyn ka ciyaaray guushii ugu dambeysay ee Real Madrid ee Champions League, isagoo goolal muhiim ah ka dhaliyay Chelsea wareega 8da ka hor inta uusan labo gool oo muhiim ah ka dhalin Manchester City dhamaadkii semi-finalka.
Waxa kaliya ee dhiman ayaa ah in uu xiddigu qalinka ku duugo heshiiska kadib markii ay labada dhinacba ka heshiiyeen wax walba.
Kooxda ayaa sidoo kale sheegtay in ay heshiiska xiddiga ku xidhay lacag dhan 1 bilyan oo lagu bur-burin karo heshiiskiisa kooxda.